U gudub macluumaadka ku jira
Vapaa-aika Turussa

Waqtiyada firaaqada iyo Turku

Waa la daabacay13.06.2022

Macluumaadka deegaanka

Select your municipality in order to see information about local services when browsing the site.

Boggan waxaa ku jira warbixino ku saabsan xilliyada fasaxa iyo qaababka loogu qaato Turku. Warbixino kale oo muhiim ah oo mowduucaas ku saabsan waxaad ka heleysaa bogga Waqtiyada firaaqada

Waayoaragnimada dhaqanka Turku

Turku firfircoon, xoog u socota iyo dhaqamada nolosha oo siman ayay kuu fidineysaa dooroshooyin kala duduwana leh.

Turku waxay dhaqan aad u adag ku leedahay tiyaatarada iyo muusiga. Tiyaatarka magaaladda Turku waa tiyaatarkii ugu horeeyey ee degmadi su buuxda u yeelato, kaas oo la aasaasay sanadkii 1946. Turku kooxda garaacda qalabka ee filharmoniya waa Finland kooxda ugu weyn ee qalabka muusiga garaacda. Xididadooduna waxay fidsan yihiin ilaa iyo sanadkii 1790.

Turku waxaa loo yaqaan magaalada labaad ee ugu waaweyn dabaaldegyada rockfestifalka, Ruisrocka. Magaaladda waxaa ka buuxa munaasabado sanadkoo dhan ah, dabaaldegyada kalena waxay ku xasileen dhinaca wabiga Aurajoki.

Muusiga iyo

Klassik muusigu waxaa kuu fidinaya kooxda filharmoniya ee Turku. Kooxdaasi meesha ugu weyn ee ay ruwaayadaha ku dhigaan waa dhismaha ruwaayadaha ee Turku (Aninkaistenkatu 9). gugii- iyo deyrtii dhismahaa ruwaayadaha waxaa lagu diyaariyaa sinfonigaa-, kamarimuusiga- iyo ruwaayado lagu madadaasho ku dhwaad todobaad walba. Ruwaayadaha qaarkood waxaa laga fiirsan karaa internetka lacag la’aan iyagoo la duubay ama si toos ah loo soo bandhigayo.

Tigidhada Turku kooxdeeda filharmoniyada ruwaayadahoosa waxaa laga iibsan karaa meesha tigidhada lagu iibiyo ee dhismaha ruwaayadaha, Goobaha tigidhadu ay ka howlgalaan iyo tukaamada shabakada iyo sidoo kale Kauppatori Monitoriga. Intaa waxaa dheer oo laga iibsan karaa iridda saacad ka hor inta aynan ruwaayadu bilaabanin.

Muusiga fudud fidintiisa waxaa ka masuul ah kilaabyo badan iyo kuwo kale oo qorsheeya munaasabadaha.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaTurun filharmoninen orkesteri

Turun filharmoninen orkesteri

Tiyaatarka, tiyaatarka qoob ka ciyaarka iyo shaneemada

Tiyaatarka waxaa loo tagi karaa in laga soo daawado sida tiyaatarka magaaladda, tiyaatarka Åbo Svenska, Linnatiyaatarka iyo tiyaatarka warshadaha iyo sidoo kale xagaagii tiyaatarka xagaaga. Tiyaatarka qoob ka ciyaarku wuxuu kuu fidinayaa sidoo kale baletka qoraxda iyo tiyaatarka qoob ka ciyaarka oo gaar ah. Intaa waxaa dheer waxaa si firfircoon looga sameeyaa howlaha boombalooyinka- iyo hiwaayadaha tiyaataradooda.

Turku waxaa sidoo kale ku yaala Finnkin oo ah tiyaatarka shaneemooyinka iyo kilaabyo shaneemo oo kala duduwan.

Logomo waa VR:ka xaruntoodii mishiinada ee hore imikana waa xarun dhaqamada ah. Halkaas waxaa lagu qorsheeyaa munaasabado badan oo kala duduwan, sida ruwaayadaha, soo bandhigidda shaneemooyinka iyo munaasabado kale oo dhaqamada ah.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaLogomo Oy

Logomo

Muusiyamka iyo carwooyinka

Turku waxay leedahay muusiyamyo xiiso badan, kuwaas oo lagu baran karo taariikhda Finland, dhaqamada iyo sawirada- iyo xirfadaha muusiga iyo sidoo kale dabiiciga Finland. Carwooyinkaa intaa waxaa dheer muusiyamka oo hagitaano kala duduwan oo aad u fara badan iyo munaasabado da’a walba leh.

Turku iyo gebi ahaanba taariikhda Finland muusiyamyada sheegaya waa kuwo sidoo kale qalcada Turku , muusiyamka farmasiyada, qalcada Turku (Turun linna), Apteekkimuseo, Luostarinmäki, Sibeliusmuusiyam, Forum Marinum iyo sidoo kale Aboa Vetus. Xirfadaha farshaxanka waxaa laga dheehan karaa Wäinö Aaltosen muusiyamka, Turku muusiyamkeeda xirfadaha, Ars Novada iyo galleriyada. Tuku muusiyamkeeda bayolojiga wuxuu dadka booqda barayaa dabiiciga Finland, noocyada udub dhexaadka u ah duleedyada iyo noocyada xayawaanka.

Kuralan Kylämäki waa meel ay ku dalxiis dhaqan oo qoysaska aagagooda ah. Kurala aagageeda waxaa lagu socon karaa sanadkoo dhan iyo in wakhti lagu qaato meelo loo banaan baxo ama lagu soo barto xayawaanka beeraha. Xagaagii iyo munaasabadaha xilligooda waxaa lagu baran karaa qarnigii- 1950 nolol maalmeedkii beeraleyda oo ay hagayso martigelisada, lala socoto soo bandhigidda shaqooyinka iyo in la tijaabiyo xirfadahooda gacanta. Kurala goobta shaqada ee tijaabooyinka iyo koorsooyinka sanadkoo dhan.

Muusiyamka cinwaankooda, xilliyaha furnaanshaha iyo tigidhada lacagtooda waxaad ka heleysaa muusiyamka dhinaca bogooda.

Halkan ka sii akhriso: Matxaf

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaMadxafka farshaxanka

Madxafka farshaxanka

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaMerikeskus Forum marinum

Forum marinum

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaTurun kaupunki

Sibeliusmuseo

Leybareriyada

Leybarareiyadu waa buugaagta, dhaqanka iyo buugaagtu meelaha ay ku kulmaan. Halkan ka sii akhriso: Maktabadaha

Magaaladda Turku leybarerigeeda waxaa hoos yimaada dhowr leybarei oo xaafadaha ah oo dhinacyo badan magaaladda kaga yaala iyo hal leybareri oo weyn kuna yaala badhtamaha magaaladda. Intaa waxaa dheer baabuurta leybareriyada oo wareegga magaaladda agagaarkeeda oo dhan.

Leybareriga waxaad:

  • Ka akhrisan kartaa wargeysyada iyo buugaagta finnishka iyo luqadaha kaleba
  • Waxaad ku isticmaali kartaa kombiyuutarada iyo internetka
  • Ka akhrisan kartaa barnaamijka- PressReader dhinaca wargeysyada adduunka
  • Kaga qeyb gali kartaa munaasibadaha iyo howlaha
  • Wax ku baran kartaa wakhtina ku qaadan kartaa

Tagitaanka leybareriga, ka deynsashada iyo isticmaalidda kombiyuutaradooduba waa lacag la’aan. Qof kasta, oo haysta kaadhka leybarerigu wuxuu ka deynsan karaa buugaag, muusig, filimaan, ciyaaro iyo macluumaad kale oo uu gurigiisa u qaadan karaa si lacag la’aan ah. Turku kaadhkeeda leybarerigu waxaad sidoo kale ku heli kartaa kaadhka dhaqanka- adeegiisa, kaas oo dhinaciis aad ku heli kartid emaylkaaga warbixinaha xilligaa taagan ee magaaladda Turku ay sida faraha badan uga fidineyso dhaqanada iyo sidoo kale qiimaha isbedbedalaya.

Leybareriga waxaa sidoo kale laga kireysan karaa goobo shirarka lagu qabsado oo cabiro kala duduwan leh, munaasabadaha- iyo carwooyinka goobahooda.

Jimicsiyada Turku

Turku waxay diyaarisaa fursado jimicsiyo oo aad u wanaagsan xilliyadda sanadka oo dhan. Magaaladda hareeraheedda oo dhan waxaa ku yaala garoomo lagu ciyaaro, goobaha jidh dhiska, goobaha dabaasha, meelaha banaanka ee lagu lugeeyo jidhkana lagu dhiso, goobaha dabiicigga ee lagu lugeeyo, jidadka baaskiiladda iyo xilligga jiilaalka meelaha kabaha seefta ah lagu socdo iyo meelaha hiihtada lagu sameeyo.

Halkan ka sii akhriso: Isboortiga

Dabaasha

Magaalada Turku goobaheeda dabaasha iyo barxadaha banaanka lagu dabaasho waxay kuu fidinayaan oo dhinacyo badan iyo fursadaha biyo ku socoshada degmada hiwaayadaheeda. Hoolalka dabaasha Impivaara waxaa lagu diyaariyaa howlo badan oo sidoo kale lagu hagayo, biyaha jum lagu sameeyo, iskuulada dabaasha iyo ilmaha- iyo dabaasha qoysaska. Petrelius goobteeda dabaasha waxaa laga fidiyaa sidoo kale biyo jumb ka iyo sdioo kale xilliyadooda dabaasha ee dumarka iyo ragga. Magaaladda banaanadeeda dabaasha iyo xeebaha dabaashu xagaagii waxay kuu fidinayaan fursado dabaal oo aad u fiican.

Goobaha jimicsigga

Marinadda banaanka

Halkan ka sii akhriso: Ku raaxeysiga iyo ku socodka dabeecadda

Deynsashada qalabyada jimicsiga iyo kireysigooda

Lauste, Varissuo, Pansio iyo Runosmäki xaruntooda dhallinyarada waxaad ka deynsan kartaa xarunta dhallinyarada jimicsiga- iyo qalabka adeegyada kaadhka dhallinyarada. Kabaha barafka lagu sibxado waxaad ka soo kireysan kartaa garoonka Parkiga, iyo kabaha shaagaga lleh ee Kupittaa marinkeeda kabaha safeexada, Impivaara meesheeda dhulka barafka lagu jiitamo iyo sidoo kale jimicsiga- iyo qalabka ciyaaraha xarunta adeegga jimicsiga ee u adeegga macaamiisha.

Adeegyada jimicsiga

Magaaladda Turku waxaa ku yaala meelo lacag la’aan ah iyo kuwo jaban oo ah adeegyada jimicsiga dhammaan da’a kastaba. Da’aada kala duduwan xilliyadooda jimicsiyada waxaa looga talogalay khaas ahan wax yar ama marmar uun kuwa dhaqdhaqaaqa.

Kooxaha iyo adeegyada waxaa laga helaa dumarka, ragga, dadka waayeelka ah iyo kooxaha khaaska ah. Dhinacyadooda waxaa si fudud loo tijaabin karaa noocyo kala duduwan iyo inuu qofku helo hiyaad uu jecleysto. Adeegyada jimicsiyada waxaa laga hellayaa sidoo kale jimicsiyada loo baahan yahay ee ku habboon.

Caawimaada hiwaayada jimicsiga waxaa laga helayaa oo la warsan karaa sidoo kale hagitaano jimicsiyo oo lacag la’aan ah.

Jijinta waayeelka ama jijinta- Kimmoke waxaa lagu ciyaari karaa si jaban in loogu howlgalo jimicsiyada magaaladda ee jiimamka iyo hoolalka dabaasha iyo sidoo kale inuu ku raaxaysto dhaqamada magaaladda ee xarunta dhaqamada. Waayeelada jijintooda waxaa iibsan kara 65 sano kuwa buuxiyey. Jijinta Kimmoke-waxaa loogu talogalay kuwa, kuwaas oo qaata kaalmadda kabka nolosha iyo kaalmooyinka qaarkood ee kelada.

Naadiyada jimicsiyada

Turku waxaa ka howlgala in ka badan 300 jimicsi oo diyaariya naadiyada iyo ururada.

Adeegyada jimicsiyada dhaqamada kala duduwan

Carruurta iyo dhallinyarada ayaa u fidinaya kilaabyo dhaqamo kala duduwan oo jimicsiyada ah, kuwaas oo si fudu looga qeybgeli karo. Kilaabyada waxaa loogu talogalay dhammaan dadka reer turku. Dadka waaweyn waxaa loo fidiyaa jiimamka- iyo xilliyo dabaal ah oo u kala soocan ragga iyo dumarka.

Adeegyada jimicsiyada guud waxaa dadka dalka u soo guurey u dheer oo loo fidiyaa kuwi sidii xilli leh oo kale ah oo kooxo jimicsiyo oo kala duduwan sidooda kalena howlaha jimicsiyada, kooxaha kubbadaha, baraf ku ski sameynta, kabaha safeexada ku socodkooda iyo qoob ka ciyaar barashada sidoo kale tijaabinta koorsooyinka noocyada kala duduwan iyo banaan u bixidda.

Carruurta iyo dhallinyarada hiwaayadooda

Magaaladdu waxay qorsheyneysaa carruurta iyo dhallinyarada koorsooyin noocyo badan koorsooyin-, kilaabyo-, howlaha kooxyada. Waxaa loo fidinayaa sidoo kale si joogto ah inay ku kulmaan tiyaatarada, muusiga, farshaxanada iyo jimicsiyada hiwaayadaha iyo sidoo kale howlaha furan, kuwaas oo cid walba ka qeybgali kkarto.

Fursadaha farshaxanada iyo barashada xirfadaha ay fidinayaan sidoo kale iskuulo xirfadaha ah dhinacyo badan ee madaxa banaan iskuulada farshaxanada iyo- ururada. Intaa waxaa dheer Turku muusiyamka , leybareriyada iyo xarumaha farshaxanadu waxay u fidiyaan carruurta iyo qoysaska carruurta leh ku wajahan munaasabadahooda iyo waxqabadyada dhaqamada.

Halkan ka sii akhriso: Hiwaayadaha carruuraha iyo dhallinyarada

Xarumaha dhaqamada carruurta iyo barxadaha lagu dalxiiso waa carruurta iyo qoysaska xaruntooda waxqabadyada, kuwaas oo ku yaala barxadaha Kupittaa (Kupittaankatu 2). Waxayna furan yihiin xilli walba sanadkoo dhan.

Xagaa walba barxadaha qalabka lagu ciyaaro, sida wiifowga, kan la fuulo iyo barxadaha lagu jimicsado waxay fidinayaan fursado jimicsiyo banaanka ah oo dhinacyo badan. Xilligga qaboobaha barxadaha lagu dalxiiso gudahooda waxaa lagu qorsheeyaa sidoo kale kilaabyo kala dduwan- iyo howlaha tiyaatarada. Barxadaha dalxiisyada howlahoodu waxay ku wajahan yihiin marka ugu horeysa da’aada 0–13- jirada ee carruurta iyo qoysaska carruurta leh.

Jimicsiga ilmaha iyo carruurta

Turku xarunteeda adeegyada jimicsiga iyo reer Turku naadiyadeeda carruurta iyo da’aada iskuulka u qorsheynayaan jimicsiyo ay u fidinayaan.

Jimicsiyada carruurta ee ihmemaa 1–12-jirada carruurta ahi way ku ciyaari karaan dadka waaweyni way ku jimicsan karaan. Ihmemaa waxay u diyaariyaan carruurta axadii sagaala meelood oo kala duduwan oo Turku ah. Adeegu waa lacag la’aan.

Carruurta dhaqdhaqaaqoodu waa u lacag la’aan adeegyada jimicsiga ee 7–12-jiro carruurta ah.

Turku nawaaxigeeda carruuraha degan ee 13–19-jirka dhallinyarada ah ee lacag la’aanta ah oo ay fidineyso Mihi. Warbixinaha dheeraadka ah waxaad ka heleysaa bogga internetka.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaTurun kaupunki

Mihi.fi

Adeegyada magaaladda ee dhallinyarada

Magaaladda Turku waxaa horey loo marinayaa carruurta iyo dhallinyarada hiwaayadaha iyo xilliyadda fasaxa ee xiiseynta leh. Dhammaan waxaa la doonayaa in loo damaanad qaado hiwaayad xiiso leh.

Warbixinaha Turku u diyaariyaan qorshaha carruurta iyo dhallinyarada u fidinayaan hiwaayadaha, fursadaha qaadashada xilliyada fasaxa, xilliyada fasaxa fasaxa wanaagsan ee furan howlaha- koonayaashooda iyo sidoo kale iskuuladda Turku waxay qorsheeyaan kilaabyada iyo hiwaayadaha oo lagu soo koobay bogagga magaaladda.

Warbixinaha- iyo adeegyada la talinta dhallinyarada Turku waana adeeg u furan tahay dhammaan da’aada ka yaryar 29-jirada, halkaas oo aad ka heli kartid la talinta iyo ku hagitaank hiwaayadaha iyo xilliyada fasaxyada, shaqada- iyo dalbashada shaqooyinka xagaaga,, guryaha raadintooda iyo fursadaha caalamiga ah arrimaha la xidhiidha.

Dhallinyarada Turku wuxuu ku yaala cinwaanka Aurakatu 16. Halkaas oo xilligii la rabo la booqan karo xilliyada ay furan tahay ballan la’aan, bartaas waxaa laga qabsan karaa ballan ama loogu diri karaa su’aalaha dhinaca emaylka ama dhinaca Facebooga.

Goobaha dhallinyarada iyo sdioo kale dhallinyarada xirfadahooda- iyo gurigga waxqabadka ee Vimma

Goobaha dhallinyada waa meesha dhallinyara u gaarka ah, kuwaas oo da’aadoodu tahay 9–18-jiro waxaa suurtogal ah inaad ka ciyaartid, ka sameysid gacan wax ka qabashada, cunto karinta, kula kullantid asxaabta ama aad iska joogtid. Goobta dhallinyara waxaa lagu diyaariyaa sidoo kale kilaabada, banaan u bixidda, maalmaha munaasabadaha iyo diskooyada. Goobaha dhallinyarada waxay ku yaalaan meelo badan oo kala duduwan oo magaaladda ku wareegsan. Goobtaas markasta waxaa jooga qof weyn.

Waxaad u baahan tahay kaadhka dhallinyarada, si aad ugaga qeybgali kartid waxqabadyada. Kaadhka waxaad ka dalban kartaa meel kasta oo ay ku taalo xarunta dhallinyaradu.

Badhtamaha Tuku (Aurakatu 16) waxaa ku yaala dhallinyarada farshaxankooda- iyo gurigooda waxqabadka Vimma howlahaas oo ku wajahan intooda badani 13–28-jirada. Vimma xarumahooda farshaxanku waxay kuu fidinayaan xarumo farshaxano iyo koorsooyin dhoobada lagu daabaco maryaha iyo xarfadahaas, dhallinyarada iyo dhallinyarada dadka waaweyn. Koorsooyinka iyo xarumahaas gudahooda waxaa lagu dhagaystaa macaamiisha hadafkooda. Vimma waxaa lagu diyaariyaa ruwaayado iyo munaasabado kala duduwan.

Tgurigaa dabaqiisa hoose waxaa ka howlgala Kafé Vimma, halkaas oo ay suurtogal u tahay la kullanka asxaabta iyo wakhti ku qaadashada. Kafelahaas waxaad ka akhrisan kartaa wargeysyada maalinlaha ah ama waxaad ka ciyaari kartaa geymamka. Vimma daaradeeda hoose waxaad ka heleysaa sidoo kale goobo internet iyo meelo telefoonada lagu jaajgareysto, kuwaas oo lacag la’aan ah.

Warbixinaha xilligaa taagan iyo xilliyadda furnaanshaha bogga internetka:

Facebook

Instagram

Hiwaayadaha waayeelka

Turku waayeelkeeda waxaa loo qorsheeyaa waxqabadyo gaar u ah. Tusaale ahaan wixii ka weyn 65-jirka ee reer Turku waxay iibsan karaan jijinta waayeelka, kuwaas oo ay ku gali karaan inay ku socdaan jimicsiyada magaaladda Turku, sida meelaha dabaasha, jiimamka iyo xagaagii dabaasha banaanka. Jijintaa waayeelka waxaa sidoo kale ku jira adeegyo la hagayo oo jimicsiyo ah iyo sidoo kale adeegyada dhaqamada.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisa

Dadka da'da ah

Halkan ka sii akhriso: Hiwaayadaha dadka da'da ah

Jaaliyadda – dhaqanada wadashaqeyntooda

Halkan ka sii akhriso: Ururada