U gudub macluumaadka ku jira
Asuminen Turussa

Deganaanshaha Turku

Waa la daabacay20.06.2022

Macluumaadka deegaanka

Select your municipality in order to see information about local services when browsing the site.

Boggan waxaa ku jira warbixino ku saabsan deganaanshaha Turku. Warbixino kale oo muhiim ah oo mowduucaas ku saabsan waxaad ka heleysaa boggan Deganaanshah .

Guryaha ijaarka ah

Waxaad ka kireysan kartaa guri ijaarayaasha gurigga madaxa banaan, sida TVT, VVO, YH kodit ama kaniisadaha, kuwaas oo aad u sameysan kartid codsiga dalabka guryaha.

Magaaladda Turku guryaha ay leeyihiin waxaa kireeya shirkado dilaaliin ah TVT Asunnot Oy. Guryaha kirada ah ee magaaladda ijaarkoodu wuu ka jaban yahay guryaha kale ee shirkadaha guryuhu kireeyaan.

TVT:da guryaheeda banaan waxaad ka dalban kartaa adigoo buuxiya foomka codsiga guryaha. Foomka codsiga waxaad ka buuxsan kartaa si elektarooni ah shirkada bogeeda ama xafiiska.

TVT Asunnot Oy
Käsityöläiskatu 3
20100 Turku
Tel. 02 262 4111
tvtasunnot@tvt.fi

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaMagaalada Turku

Guryaha kirada ah

Guryaha- ardeyda

Haddii aad tahay ardey, waxaad ka dalban kartaa guryaha kirada ah, kuwa loogu talogalay ardeyda khaaska ah. Guryaha ardeyda ee kirada ahi wey ka jaban yihiin guryaha caadiga ah.

Guryaha ardeyda waxaad sidoo kale ka kireysan kartaa

Turun Ylioppilaskyläsäätiö

Yo-kylä 12A
20540 TURKU
t. (02) 2750 200
office@tys.fi

Ballan qabsashada: https://vello.fi/tys/

Warbixinaha guryaha kirada ah iyo guryaha ardeyda ee Turku oo kooban waxaad ka heleysaa:

Halkan ka sii akhriso:

Degenaanshaha ardeyda
Guryaha kirada ah

Guryaha la leeyahay

Internetka waxaad ka heli kartaa shirkado badan oo dilaaliin ah, kuwaas oo guryaha iibiya. Guryaha qiimahoodu wuu isbedbedalaa marba sida ay noocyada guryuhu yihiin iyo meelaha ay ku kala yaalaan. Bangiyada iyo xarumaha kale ee lacagtu waxay kuu ogolaan karaan deyn shirkadaha madaxa banaan guryahooda in la dalbado.

Halkan ka sii akhriso:

Guri aad leedahay/ yeelato

Guryaha xuquuqda deganaanshahooda la leeyahay

Waxaad dalban kartaa guryaha xuquuqdooda la leeyahay, haddii

  • Ay da’adaadu tahay ugu yaraan 18- jir
  • Haddii aanad lahayn gurigga aad deganaanshihiisa leedahay, aanad haysanin hanti kugu filan inaad ku dalbatid guryahaas oo kale (haddii ay da’adaadu tahay 55-jir ama aad ka weyn tahay, xadka hantidaasi adiga kuma khuseeyaan).

Guryaha deganaanshahooda aad xaqa u leedahay waxaad ka dalban kartaa Turku foomkeeda, kaas oo aad ka heleysid Varsinais-Suomen asumisoikeus Oy:da bogooda.

Halkan ka sii akhriso:

Guryaha degdenaanshahooda xuquuqda loo leeyahay

Guryaha adeegga- iyo Taageerada

Dadka qaarkood, tusaale ahaan dadka waayeelka ah iyo naafada, waxaa ku adag inay ku noolaadaan guryahooda caawimaad la’aan. Markaasna magaaladda ayaa u diyaarisa iyaga adeegyo, kuwaas oo ka caawinaya inay iskood u deganaan karaan.

Waayeelka iyo naafada, kuwa aanan awoodin in ay iskood u deganaadaan, waxay caawimaad ka heli karaan guryaha adeegyada ama xarumaha.

Haddii aad u baahan tahay guryaha adeegyada- iyo taageerada, la soo xidhiidh shaqaalaha arrimaha bulshada ee xaafadaada ama hagaha daryeelka guryaha. Wixii warbixin dheeraad ah waxaad ka heleysaa bogga shabakada internetka ee magaaladda Turku.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaTurun kaupunki

Asumispalvelut

Halkan ka sii akhriso:

Tuki- ja palveluasuminen

Talooyin wax ku ool ah oo guriyeynta ah

Waxaad ka heleysaa warbixino wax ku ool ah oo guriyeynta arrimahooda la xidhiidha InfoFinland Bogeeda:

Halkan ka sii akhriso qawaaniinta la xidhiidha deganaanshaha iyo xuquuqdaada InfoFinland bogeeda Asukkaan oikeudet ja velvollisuudet

Haddii aad deggan tahay magaaladda Turku ama TVT:du guryaha kirada ah ee ay leedahay, waxaad talo weydiisan kartaa iyo caawimaadba talo bixiyaha guryaha. Wuxuu kaa caawinayaa talana kaa siinayaa dhibaatooyinka ijaarka, kaalmooyinka la xidhiidha deganaanshaha iyo dalbashada kaalmooyinka iyo sidoo kale dhibaatooyinka kale ee la xidhiidha deganaanshaha guryaha.

Warbixinaha laga xidhiidhi karo talo bixiyaha guryaha:

TVT Asunnot Oy
Käsityöläiskatu 3
20100 Turku
tel. (02) 262 4169 ja (02) 262 2758
asumisneuvonta@tvt.fi

Lauste iyo Varissuo waxaa ka howlgala shirkadda adeegyada guryaha ee Akseli, halkaas oo aad ka heleysid bogga shabakadooda wixii hagitaan ah ee la xidhiidha deganaanshaha. Adeegyada shirkadda guryaha ee Akseli waxay sidoo kale xafiisyo ku leedahay Varissuo iyo Lausteba.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaAkseli kiinteistöpalvelut

Akseli kiinteistöpalvelut

Sidoo kale xaafado badani waxay leeyihiin shirkadaha dayactirka. Kuwaasna waxaad ka heleysaa markaad ku qortid adeegga shabakad ka raadinta xaafadaada magaceeda iyo ereyda dayactir.

Hagaajinta qashinka iyo dib u warshadeynta

Qashinka caadiga ah waxaad dhigi kartaa xaafaduhu haamaha ay qashinka ku ridaan. Haamaha qashinka koleybase laguma ridi karo tusaale ahaan waxyaalo sun ah oo kimikko ah ama qalabka korontada, kaliya waa in kuwaas la geeyo goobaha la geeyo qalabka dib loo warshadenayo. Sidoo kale quruuradaha/ dhalooyinka, biraha, caagaga ama kartoonada waa in gooni loo ururiyo. Gee kuwaas haamaha qashinka ee u gaarka ah ee xaafada ama goobaha dib u warshdeynta ee gaarka u ah.

Hagaajintaqashinka ee Lounais-Suomi bogeeda shabakada ama ururkooda xarunta qashinka ee dib u warshadeynta adeegooda shabakada-.info waxaad ka raadin kartaa goobaha dib u warshadeynta, kan adiga kuugu dhow.

Maareynta qashinka iyo dib u warshadeyntaKierrätys.info

Maareynta qashinka iyo dib u warshadeyntaKierrätys.info

Maareynta qashinka iyo dib u warshadeyntaKierrätys.info

Xarunta dhexdhexaadinta deriska/ jaarka

Xarunta dhexdhexaadinta derisku waxay heshiisiisaa guryaha dadka deggan muranada ka dhexeeya waxayna ka shaqeeyaan deriska dhexdooda iyagoo adeegsanaya hagitaanka deganaanshahooda, haddii ay deriska dhexdooda dhibaato ka dhex dhacday.

Waxaad ka heleysaa heshiisiiyaha Turku telefoon lambarkan 045 110 3483.

Kaalmadda ijaarka

Waxaad ka heleysaa warbixinaha la xidhiidha kaalmadda ijaarka InfoFinland bogeeda Ka kaalmeynta deganaanshaha .

Waxaad heli kartaa kaalmadda ijaarka, haddii uu dakhligaagu yar yahay oo aad si rasmi ahna udeggan tahay Finland. Kela waxay kugu caawineysaa a codsiga gaarka ah ee kaalmadda ijaarka ee ay ugu talogaleen dadka inay kaga kaalmeeyaan kharashka kirada. Kaalmadaasi ma ahan mid si otomaatik ah kuugu imaneysa, sababtaas ayaana inta aanad kaalmada dalbanin ay u wanaagsan tahay inaad hubisid, waa maxay kaalmada kugu haboon adiga iyo qoyskaaga. Waxaad ka dalban kartaa kaalmadda ijaarka Kelada. Kaalmadda ijaarka waxaad sidoo kale ka dalban kartaa internetka.

Xaaladaha cakiran ee guriyeynta iyo guri la’aanta

Haddii gurigaaga waxyeelo gaadho tusaale ahaan uu gubto ama waxyeelo biyo gaadho, ceymiska guryaha ayaa xaaladaha qaarkood kuu magdhabaya kharashka dheeraadka ah ee kugu yimaada. La xidhiidh shirkadaada ceymiska sida ugu dhakhsaha badan marka ay waxyeeladu dhacdaba.

Xaaladaha qaarkood caawimaada waxaad ka heli kartaa sidoo kale xafiiska arrimaha bulshada: La xidhiidh shaqaalahaaga arrimaha bulshada ama heeganka shaqaalaha arrimaha bulshada. Wac saacadaha shaqada lambarkan (02) 262 6003. Habeenkii ama dhammaadyada todobaadka (sabtida iyo axada) wac lambarka gargaarka degdega ah 112, kuwaas oo aad dhinacooda kala xidhiidheysid heeganka arrimaha bulshada ee Turku iyo nawaaxigeeda.

Haddii xubin qoyskaaga ka mid ahi ay kuu geysaneyso waxyeelo ama hanjabaad, waxaad caawimaad ka heli kartaa gurigga badbaadadda.

Turun ensi- ja turvakoti ry:
Luolavuorentie 7b
20810 Turku
t. (02) 5134 100
turvakoti@tuentu.fi

Haddii aad tahay dhallinyar oo aad dhibaatooyin ku qabtid gurigaaga, waxaad la soo xidhiidhi kartaa ururka laanqeyrta cas ee Finland gurigooda ammaanka dhallinyarada ee Turku. Gurigga ammaanka ee dhallinyarada waxaad ka heleysaa caawimaad la sheekeysi ah iyo goob meel seexad oo ku meel gaadh ah.

Suomen Punaisen Ristin Turun Nuorten turvatalo (gurigga badbaadadda dhallinyarada ee ururka Laanqeyrta Cas ee Finland).
Yliopistonkatu 24 A 21
20100 Turku
p. 02 253 9667
Cinwaanka emailka: turvatalo.turku@redcross.fi

Halkan ka sii akhriso:

Degaenaanshaha xaaladaha dhibaatooyinka