U gudub macluumaadka ku jira
Suomen ja ruotsin kieli Turussa

Luqada Finnishka iyo Iswidishka ee Turku

Waa la daabacay20.06.2022
Turku waa gobol lagaga hadlo laba luqadood. Waxaad adeegsan kartaa finnish ama iswidhish tusaale ahaan dhammaan magaaladda Turku adeegyadeeda oo dhan.

Macluumaadka deegaanka

Select your municipality in order to see information about local services when browsing the site.

Fursadaha wax ku barashada luqadaha finnishka ama iswidhishka

Turku waxaa ka jira fursado badan oo ay ku bartaan luqadaha finnishka iyo iswidhishka. Turku waxaa ku yaala machadyo iyo iskuulo badan, kuwaas oo diyaariya koorsooyin luqado ah oo fara badan heerarkooduna kala duduwan yihiin. Qeybo koorsooyinka luqadaa ah waxaa loo baahan yahay goobjoognimo maalinta oo dhan ah, qeybo waxbarashada ka mid ahna waxaa la diyaariyaa dhowr saacadood todobaadkii. Intaa waxaa dheer jaaliyado badan iyo hay’ado kale ayaa ku qorsheeya luqadda finnishka goobahooda iyo xeyndaabyo wada sheekeysi ah.

Ku dhawaad dhammaan Turku koorsooyinka ay qorsheyso waxaa lagu soo koobay adeegyada- finnishcourses.fi. Adeegyadaa waxaa laga helaa sidoo kale fursado waxbarashadu ay ka dhacaydo dhinaca shabakada internetka. Adeegaas iyadoo la adeegsanayo waxaad u raadsan kartaa iskaa koorsada barashada luqadaha finnishka iyo iswidhishka. Adeegyadaa waxaa loo adeegsan karaa finnish ahaan, ingiriisi iyo ruush ahaan.

Finnishcourses.fi

Waxbarashooyinka sare, jaamacadaha iyo machadyada ayaa u diyaariya ardeydooda barashada luqadda finnishka, kuwaas oo ay tahay in la weydiisto machadkaaga. Dugsiga sare ee galabtii Turku waxaa waxbarashada dugsiga sare iyadoo lagu baranayo ama si gaar ah loogu baran karaa Finnish for foreigners – finnish luqad ajanabi ahaan ah koorsadiisa.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaTurun iltalukio

Iltalukio maahanmuuttajille

Luqadda finnishka waxaad ka baran kartaa si iskaa ah dhinaca sidoo kale dhinaca shabakada:

Suomen kieltä internetissä

Barashadda luqadaha iyo iskuuladda dal la qabsiga

Haddii aad tahay shaqo raadis, waxaad ka baran kartaa luqadda finnishka ama iswidhishka iskuuladda dal la qabsiga. Si aad u gashid iskuuladda dal la qabsiga, waa inaad iska soo wargelisid xafiiska shaqada iyo maareynta. Xafiiska shaqada iyo maareynta bogeeda la talinta cid walba ayaa iska soo wargelin kara iyo sidee ayaad isugu diiwaangelin kartaa shaqo raadis ahaan.

Isku diiwaangeli shaqo raadis ahaan:

Xafiiska shaqada iyo maareynta nolosha sidoo kale iskuulo gaagaaban oo luqadda finnishka qeybo kala duduwan. Waxbarashooyinkaa waxaa lagu bartaa ereyada xirfadaha ee qeybtaa iyo kuwaas oo ay ku jiraan tababarada shaqooyinka qeybahaas shaqadooda.

U raadsi iskuul iskaa:

Hooyooyinka gurijoogta iyo dadka waayeelka oo loo qorsheeyey luqadda finnishka iyo bulshada in lagu hago sidoo kale dal la qabsiga howlaha horumarinaya ee- KOTO. Kooxahaa macaamiishoodu sida qaalibka ah waa kuwa saddex sanadood muddo ka yar joogay dalka ee dadka ajnabiga ah, kuwaas oo nidaamka shaqada ka baxsan si ku meel gaadh ah ama joogto ah.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaTurun kaupunki

Tutustu KOTO-toimintaan

Warbixinaha kale ee muhiimkka ah waxaad ka heleysaa boggan Suomen ja ruotsin kieli

Shahaadooyinka guud ahaaneed

Waxaad Turku ka diyaarin kartaa shahaadada luqadaha guud ahaaneed ee finnishka iyo iswidhishka. Gudoonka waxbarashada bogeeda shabakada mishiinkeeda raadinta, halkaas oo aad ka hubin kartid, goobahee iyo goorma ayaad diyaarin kartaa shahaadadda.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisa

Xirfad dalbasho

Halkan ka sii akhriso:

Shahaadada aqoonta luqada oo sharciyeysan