Dib ugu soo guurista Finland
Dadka aan waligood noqon muwaadiniin Finnish ah, laakiin waalidkood ama awoowayaashood ay yihiin ama ahaayeen dhalasho ahaan muwaadiniin Finnish ah, waxaa loo arkaa inay yihiin dad asal ahaan Finnish ah oo dib u soo guuraya (paluumuuttaja). Sidoo kale dadka markii hore dhalashada Finnishka haystay waxaa loo arkaa dib u soo guureyaal.
Faracyada muwaadiniinta u dhashay Finland
Waxaad heli kartaa daganaanshaha Finland, haddii ugu yaraan mid ka mid ah waalidiintaada ama awooweyaashaa/ayeeyooyinkaa ay yihiin ama ahaayeen asal ahaan muwaadiniin Finnish ah. Muwaadin u dhashay Finland waxaa loola jeeda qofka helay jinsiyadda Finland markii uu dhashay.
Markii aad codsanaysid sharciga waa inaad bixisaa macluumaad sax ah oo cadaynaya inaad farac ku leeday asal ahaan dalka Finnishka, sida tusaale ahaan shahaadada dhalashada rasmiga ah ee waalidiinta ama awooweyaashaa/ayeeyoyaashaa iyo cadayn sheegaysa inaad ehel tihiin. Lagaagama baahna cadaynta dhaqaalaha.
Muwaadiniinti hore ee Finland
Haddii aad ahaan jirtay muwaadin Finnish ah, sababtaa darteed waxaad ku heli kartaa Daganaanshada Dalka Finland. Shardi ma aha in asalkaagii Finnish ahaa, laakiin waxaad dhalashada Finniska ku heli kartay codsi. Lagaagama baahna cadaynta dhaqaalaha.
Haddii aad ahaan jirtay muwaadin Finnish ah, waxaad dib u heli kartaa dhalashadaadii adigoo samaynaya ogeysiiska dhalashada (kansalaisuusilmoitus). Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri bogga InfoFinlandi Dhalashada Finland .
Codsahada sharciga degenaanshaha
Waad ka soo codsan kartaa sharciga degenaanshaha safaarada Finland ee kuugu dhow intaadan imaan wadanka. Finland dhexdeeeda waxaad ka codsan kartaa barta adeegga ee Xaafiiska dal u soo guurista.
Waa inaad shaqsiyan u tagtaa goobta aad geysaneyso codsiga sharciga degenaanshaha. Horey u soo qaado wax walboo lifaaq ood ku dareyso codsigaaga asliyan, markii aad codsigaaga geyneyso safaarada ama barta adeegga ee Xaafiiska dal u soo guurista.
Markaad codsaneydo sharciga degenaanshaha waa inaad horey usoo qaadato aqoonsi baasaboor cadeynaya ruuxaad tahay. Markaad sharciga codsaneysana waxaa lagaa qaadaya astaanta faraha iyo biometerka lagu sameynayo kaarka sharciga.
Codsiga sharciga degenaanshaa waa lacag, lacagtana waa inaad dhiibtaa markaad dhiibeyso codsiga sharciga.
Summada aqoonsiga finnishka
Haddii lagu siiyo ogolaanshaha degitaanka ee Finland, waxaa si otomaatig ah laguugu diiwaangelinayaa nidaamka macluumaadka dadka. Waxaad islamarkaas heleysaa aqoonsiga shakhsiyeed ee Finnishka.
Marka aad Finland u soo guurto, waa in aad tagtaa goobta adeegga Hay’adda dijitaalka iyo macluumaadka dadka ee kuugu dhow si aad degane ahaan isaga diiwaangeliso. Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri bogga InfoFinland Isu diiwaangelin degene.