U gudub macluumaadka ku jira
Lait ja oikeudet

Sharciyada iyo xuquuqda

Waa la daabacay13.07.2022
Bulshada Finnishka ah iyo waxqabadkeeda waxaa xeera shuruuc. Kan ugu muhiimsan kuwaan waa dastuurka (Perustuslaki). Dhamaan dadka deggan Finland waa inay u hogaansamaan shrciyada Finland. Saraakiishu xitaa waa inay u hogaansamaan sharciga. Sharciga waxaa dejiya baarlamaanka.

Xuquuqda aasaasiga ah

Dhamaan dadka deggan Finland sida sharcigu qabo waxay leeyihiin xuquuq iyo waajibaad. Xuquuqyada iyo waajibaadyada soo socda waxay quseeyaan sidoo kale ajaaniibta deggan Finland.

Xuquuqyada

  • Dadkoo dhan waxay xaq u leeyihiin in si isku mid ah loola macaamilo. Cidna si dadka kale ka duwan loolama macaamilo karo tusaale ahaan jinsi, da’, diin ama naafo dartood.
  • Qof kasta wuxuu si xornimo ah u sheegi karaa islamarkaasna u qori karaa fikirkiisa.
  • Dadku waxay qabanqaabsan karaan shirar iyo bannaanbaxyo waana sidoo kale ka qeybgeli karaan. Bannaanbaxa waa in booliska horay loo sii ogeysiiyaa.
  • Qofna dil laguma xukumi karo lamana jirdili karo.
  • Dadka oo dhan waxay si xornimo ah u dooran karaan meesha ay ka degayaan Finland.
  • Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay xafidaadiisa shaqsiyadeed. Warqadaha qof kale lama aqrin karo sidoo kale telefoonka qof kale lama dhegeysan karo.
  • Qof kastaa wuxuu dooran karaa diintiisa. Haddii uusan dooneyn loogama baahna in uu wax diin ah doorto.

Inkastoo aadan ahayn muwaadin Finnish ah, waxaad xaq u yeelan kartaa in aad doorasho uu ka codeeyso.

Faahfaahinta dheeraadka ah ee xuquuqda codbixinta ajaaniibta ka sii aqri bogga InfoFinlandi Doorashooyinka iyo codeynta Finland.

Waajibaadyada

  • Dhamaan dadka deggan ama jooga Finland waa inay u hogaansamaan sharciga Finland.
  • Qiyaas ahaan 7- 18 sano inta u dhexeysa waxaa saaran waajib waxbarasho.
  • Inta badan dadka ka shaqeeya Finland waa inay canshuur ka siiyaan Finland mushaarkooda.
  • Dadka oo dhan waxaa waajib ku ah inay cadaalada ka marqaati kacaan, haddii iyaga looga yeero halkaas.
  • Waalidka waxaa waajib ku ah inay daryeelaan carruurtooda.
  • Dadka oo dhan waxaa waajib ku ah inay caawiyaan marka u shil dhaco.

Faahfaahin dheeraad ah oo canshuurista ku saabsan ka sii aqbri bogga InfoFinlandi Canshuurid.

Xuquuqda iyo waajibaadka muwaadiniinta Finnishka ah

Kuwaan waxaa dheer oo muwaadiniinta Finnishka saaran islamarkaasna ay leeyihiin xuquuqyo iyo waajibaadyo kale, kuwaas oo aan saarneyn ama aysan laheyn ajnabiga deggan Finland. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xuquuqda iyo waajibaadka muwaadinka Finnishka ah ka sii aqri bogga InfoFinlandi Dhalashada Finland.

Sharciyada Finland ka jira

Sharciyada qaarkood

Dastuurka

Dastuurku waa sharciga ugu muhiimsan Finland. Sharci kalena kama soo horjeedi karo isaga. Dastuurka waxaa lagu dejiyaa tusaale ahaan xuquuqda aasaasiga ah ee dadka deggan Finland iyo sida dowladda Finland ay u shaqeyneyso.

Sharciga Sinnaanta

Sharciga sinnaantu (Yhdenvertaisuuslaki) sida uu qabo qofna laguma takoori karo da’, asal ama jinsiyad hore, dhalasho, luqad, diin, caqiido, fikir, xaalad caafimaad, naafo, nooc sekshiwaal ama wax kale oo qofka la xiriira. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sinnaanta waxaad ka heleysaa bogga InfoFinlandi Sinnaanta iyo isku qiimo ahaanshada.

Sharciga Isku Qiimo Ahaanshahada

Sharciga isku qiimo ahaanshada (Tasa-arvolaki) ayaa mamnuucaya takoorista jinsiga qofka ku saleysan. Sida uu qabo sharci isku qiimo ahaanshuhu saraakiisha, shaqo-bixiyayaasha iyo qeybaha waxbarashadu waa inay horumariyaan isku qiimo ahaanshaha ragga iyo dumarka. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan isku qiimo ahaanshaha waxaad ka heleysaa bogga InfoFinlandi Sinnaanta iyo isku qiimo ahaanshada.

Sharciga Badbaadada Carruurta

Sharciga badbaadada carruurta (Lastensuojelulaki) ayaa amraya in cunug kasta oo Finland deggan uu xaq u leeyahay daryeel iyo deegaan koriinshu oo nabad ah. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xuquuqda carruurta ee Finland waxaad ka heleysaa bogga InfoFinlandi Caruurta.

Xuquuqda quutaha

Qof kasta oo iibsada alaabo ama adeeg ayaa ah quute. Sharciga badbaadada quutaha (Kuluttajansuojalaki) ayaa ilaalinaya xuquuqda quutaha ee Finland. Waxaad adigu xaq u leedahay in aad hesho magdhaw tusaale ahaan marka, alaabta aad iibsatay ay cillad leedahay, cilladahaas oo aadan adigu sababin. Waxaad taas bedelkeeda tusaale ahaan heli kartaa alaab aan cillad laheyn ama lacagtaadi ayaad dib u heli kartaa.

Haddii alaabta aad iibsatay aysan dhameyn, la xiriir marka hore qofkii alaabta kaa iibiyay. Haddii aadan iibiyihii arrinta wax xal uga helin, la xiriir la-talinta quutaha.