U gudub macluumaadka ku jira
Työ ja yrittäjyys Helsingissä

Shaqada iyo ganacsiga Helsinki

Waa la daabacay14.04.2022
Helsinki waxaa ka jira fursado badan oo shaqo looga helo xirfado kala duwan. Boosaska shaqooyinka bannaan waxaad ka raadsan kartaa bogagga boosaska shaqada, waxaad heli kartaa talooyin iyo hagitaan ku saabsan adeegyada shaqaaloobidda ee kala duwan ama waxaad aagaha Helsinki ka aasaasan kartaa shirkad. Boggan waxaad ka heleysaa macluumaadyo ku saabsan adeegyada nolosha shaqada ee Helsinki.

Macluumaadka deegaanka

Select your municipality in order to see information about local services when browsing the site.

Shaqooyinka Helsinki laga helo

Bogga Business Finland waxaad ka heleysaa ogeysiisyada boosaska shaqada Finland laga helo oo deegaan ama laantaada aqoonta waafaqsan. Waxaad sidoo kale soonaha Helsinki ka raadsan kartaa boosas shaqo, kuwaas oo luqadooda shaqadu ay tahay Ingiriis.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisa

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaHelsingin kaupunki helsinkirekry.fi

Boosaska shaqada ee magaalada Helsinki

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisa

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaTyö- ja elinkeinoministeriö

Boosaska shaqo ee bannaan

Seure (Seure) waa shirkad xagga adeegga kireynta shaqaalaha qabata, oo bixisa shaqooyinka tuur tuurashada ah ee magaalooyinka Helsinki, Vantaa, Espoo iyo Kauniainen. Shaqooyinka ay bixiso Seure tusaale ahaan waa shaqada iskuulada, xanaanada carruurta iyo isbitaalada.

Xafiiska Shaqada iyo adeegyada shaqaaloobidda ee Helsinki waxay taageerayaan shaqo raadinta

Xafiisha Shaqada iyo meherada yacni Xafiiska Shaqada iyo adeegyada shaqaaloobidda ee magaalada Helsinki waxaad ka heleysaa hagitaanka shaqo raadinta iyo macluumaad ku saabsan boosaska shaqo ee bannaanka iyo waxbarashada. Haddii aad shaqo helistaada ugu baahan tahay talo iyo taageero ama waxbarashada afka Finnishka, la xiriir adeegyada shaqaaloobista ee magaalada Helsinki.

Haddii aad shaqo la’aan tahay oo aad shaqo raadinayso, shaqo raadiye isaga diiwaangeli Xafiiska Shaqada. Iska diiwaangeli, xittaa haddii waqti cayiman shaqada lagaa fariisiyay, waxbarashadaadi ay dhammaatay ama shaqadi mushaarkeeda lagaa taageerayay ay dhammaatay. Waxaad shaqo raadiye ahaan isaga diiwaangelin kartaa adeegga shaqada ee adeegyada Xafiiska Shaqada, Xafiiska Shaqada ee kuugu dhow ama khadka telefoonka. '

Dadka u dhashay wadamada yurubta, Norway, Island, Liechtenstein iyo Swiss waxay ka ogaysiin karaan xafiiska shaqada internetka shaqo raadiye ahaan. Wadamada kale ee intaasi kasoo hadhay waa inay xafiiska shaqada iska soo diwaangeliyaan oo ay soo booqdaan xafiiska. Waa inuu soo qaataa taysaro ama aqoonsi iyo sharciga daganaanshaha.

Xafiiska Itäkeskuksen
Cinwaanka: Asiakkaankatu 3 A dabaqa 4aad
Teleefanka: 0295 025 500
Wakhtiyada shaqada: ma–pe klo 9.00–16.00

Xafiiska Pasila
Cinwaanka: Ratapihantie 7 (Waxaa laga soo gelayaa dhinaca Veturitori)

Teleefanka: 0295 025 500
Wakhtiyada shaqada: ma–pe klo 9.00–16.00

Xogaha ku sahabsan xafiiska shaqada waxaad ka heli kartaa bogga InfoFinland Haddii aad shaqo la'aan noqotid. Macluumaadka ku sahabsan shaqo raadinta waxaad ka heli kartaa bogga InfoFinland Shaqo ka helista Finland .

Kabka shaqo la’aanta

Xogaha ku sahabsan kabka shaqo la’aanta waxaad ka helaysaa bogga InfoFinland Gargaarka shaqo la’aanta.

Caawinta shaqo raadinta

Monika-Naiset liitto

Xarunta laqabsashada Monika waxey dumarka dalka u soo guuray ee shaqo la’aanta ah ka caawisaa sidii ay ku heli lahaayeen boos shaqo. Waxaad caawimaad u heli kartaa sameynta qoraalka qof ka waranka ama CV iyo codsiga shaqada, waxaad baran kartaa finnishka nololmaalmeedka loo isticmaalo iyo xirfadaha dhijitaalka.

Luckan integration

Luckan Integration waa adeeg la talineed kaasi oo bixiya adeeg la talineed oo ku waajahan shakhsiyaadka soogalootiga ah, iyo wuxuu qaban qaabiyaa iskumaatino la xidhiidha shaqo dalbashada. Sidoo kale wuxuu u qaban qaabayaa kooxo. Luuqada lagu caawiyaa dadku waa ingiriisi.

Väestöliitto

Väestöliiton waa shaqo ku tabobarida iyo la talinta dadka soogalootiga ah ee xirfado hore u soo lahaa ama bartay. Arinkani dhexdiisa waxaad ka helaysaa shaqo, boos waxbarasho ama inaad aas aasto ganacsi. Afka lagu shaqeeyaa waa finish.

Ohjaamo

Hadii aad ka yar yahay 30 jir, waxaad waydiin kartaa la talin ku sahabsan shaqo dalbashada ama raadinta.Ohjaamo waxaa loogu talo galay dhalinyarada qaan gaadhay.

Stadin osaamiskeskus

Xarunta aqoonta ee Stadi (Stadin osaamiskeskus) waxay suuqa shaqada u tababartaa dadka wadanka u soo guurey, waxayna sidoo kale ka caaawisaa helitaanka goobo shaqo oo ay ku bartaan shaqada. Xarunta aqoontu waxyaabaha ay macaamiisheeda siiso waxaa ka mid ah barashada luuqada Finnishka iyo waxbarasho xirfadeed. Si aad maacaamiil uga noqotid xarunta aqoonta waxaad codsi dhigi kartaa xafiiska shaqada iyo xoogsashada ama adigoo codsiga soo marinaya dhanka xafiiska sooshalka iyo caafimaadka. Adeega waxaa loogu talogalay dhalinyarada dadka wadanka u soo guurey ee reer Helsinki. kuwaas oo ay da'doodu ka weyn tahay 17 sano iyo haystaa ruqsada daganaanshada wadanka.

Aas aaska ganacsiga

Waxaad ka heli kartaa talo iyo caawin ku sahabsan aas aaska shirkadaha ama ganacsiga qoladani. NewCo Helsingistä.

Waxaad ka heli kartaa adeeg la talineed oo kuu khaas ah adiga oo ku sahabsan aas aaska ganacsiga ama shirkada, afafka laguugu adeegayaa waa finish, iswidhish, ingiriisi, ruush, carabi, estooniyaan, jarmal ama talyaani.

NewCo Helsinki waxay qaban qaabisaa kulamo macluumaadka ku sahabsan aas aaska shirkadaha lagu kala qaadanayo oo loogu talo galay soogalootiga. Kulamadaasi xog waranka ah afafka lagu qabtaayi waa finish, ingiriisi, ruusha, carabi iyo estooniyaan. Kulamadaasi waa bilaash oo lacag la iskama rabo. Macluumaad dheeraada iyo isdiiwaangelintaba waxaad ka samayn kartaa bogta internetka ay ay ku leeyihiin NewCo Helsinki.

NewCo Helsinki waxay qaban qaabisaa tabobaro loogu talo galay ganacsada, afafka lagu bixiyaa tabobaradaasi waa finish, ingiriisi iyo ruush. Qayb ka mida tabobaradaasi waxaa loogu talay kuwa imika aas aasaya shirkada, qaybta kalena waxaa loogu talo kuwa samaystayba shirkadaha. Koorsooyinka waxaa lagu dhigaa finish, ingiriisi iyo ruush. Isdiiwaangelinta iyo macluumaad dheeradaba kala soco boga internetka ay ku leeyihiin NewCo Helsingin.

NewCo Helsinki sidoo kale waxay qaban qaabiyaan kulamo loogu abuuriyo shirkadaha cusub xidhiidho.

NewCo Helsingistä waxaad kaloo ka heli kartaa caawimo ku sahabsan horumarinta koritaanka shirkada.

Hadii aad shirkad ku leedahay Helsinki, waxaad xubin ka noqon kartaa ururka shirkadaha Helsinki. Ururka ay ku midoobeen shirkadaha Helsinki waa mid u adeega kor u qaadista danahooda, kaasi oo xubnihiisa u qaban qaabiya tabobaro, xidhiidho wax ku ool ah iyo waliba la talin. Waxaad ka heli kartaa macluumaad dheeri ah boga internetka.

Ka akhri macluumaad dheeri ah: Shirkad ganacsi ku samaynta Finland .

Cashuurta

Xafiiska cashuuruhu wuxuu goob adeed ku leeyahay bartamaha magaalada Helsinki. Adeegyada kale ee xafiiska cashuuraha telefanadooda iyo macluumaadka la xidhiidhkooda waxaad ka heli kartaa bogooda internetka.

Dadka muhaajiriinta ah waxey sidoo kale ka daneysan karaan goobta adeegga ee International House Helsinki. Khuburada Kelada iyo Maamulka canshuuruhu waxey talo ka siiyaan muhaajiriinta Finland shaqo u imaanaya arrimaha la xiriira canshuuraha iyo ammaanka bulshada.

Macluumaadka xafiisyada cashuurta:
Hämeentie 15
00500 Helsinki

Macluumaadka xiriirka ee goobta adeegga ee International House Helsinki:
Lintulahdenkuja 2D, dabaqa 2aad
00530 Helsinki

Ka akhri macluumaad dheeri ah: Canshuurid .