U gudub macluumaadka ku jira
Asuminen Helsingissä

Deganaanshaha Helsinki

Waa la daabacay05.09.2022
Dhammaan xaafadaha Helsinki ku yaal waa ammaan gaadiidka dadweynuhu si fiican ayuu u shaqeeyaa. Boggan waxaan ku soo ururinay macluumaadka ku saabsan meesha aad guri ka heli karto iyo qiimaha lacageed ee ku baxa deegitaanka Helsinki. Waxaa kale oo aad heleysaa tilmaan-bixinno ku saabsan sida saxda ah ee aad qashinka u kala soocayso.

Macluumaadka deegaanka

Select your municipality in order to see information about local services when browsing the site.

Kharashka guri degista ee Helsinki

Kirada guryaha ee Helsinki waxay billowgii sannadka 2020 ahayd celcelis ahaan halkii mitir ee afar jibbaaran 22,7 yuuro oo ah kirada suuqa furan iyo 13 yuuro taageerooyinka dowladda kaddib (Xarunta istaatiistikada). Waxaa intaas dheer oo la iska rabaa in la bixiyo korontada, internetka, biyaha iyo caymiska guriga oo inta badan uu laga kireystaha gurigu dalbado.

Haddii aad leedahay guri, waxaad bixinaysaa mushqaadda shirkadda guriga iyo daynta guriga ee ay suurragalka tahay in laguugu leeyahay. Haddii aad Helsinki guri ka gadanayso oo aad bangiga deynta weydiisato, bangiyadu waxay ku talinayaa, in kharashaadka deegaanka ku baxaya ay ugu badnaan 40% ka noqdaan dakhliyada qofka soo gala oo dhan.

Haddii dakhliga qoyskaadu uu yaryahay, waxaa laga yabaan in aad xaq u leedahay helitaanka taageerada ijaarka. Waxaad sidoo kale codsan kartaa guryaha raqiista ah ee magaalada Helsinki (Heka).

Haddii aad doonayso in aad Helsinki guri ka kireysato ama gadato islamarkaasna aad qabto su’aalo ku saabsan deegaanka, waxaad afka Ingiriiska ku wacdaa talana weydiisataa lambarka ah 010 202 4666 (kharashka telefoonka gudaha). Adeegga telefoonku wuxuu furan yahay Isniin kasta 8.30 – 12.30 saacadda iyo Arbaca kasta 14.00 – 18.00 saac.

Kaalmada ijaarka ee Kelada ka aqri bogga InfoFinland Kaalmada ijaarka. Faahfaahin dheeraad oo ku saabsan gaadiidka dadweynaha ka sii akhri bogga InfoFinland Warar ku saabsan Helsinki.

Qiimaha iibka iyo kirada guryaha waxaad ka hubisaa bogga Asuntojen.hintatiedot.fi ee wasaaradda bey’ada (dooro Helsinki).

Guri kiro

Ku dhowaad kala bar reer Helsinki waxay deggan yihiin guryaha la kireysto. Guryaha waxaa kireeya shirkado badan, magaalada Helsinki, shakhsiyaad gaar ah iyo qolooyin kale. Waxaa shaqo-bixiyahaada weydiin kartaa guryaha xiriirka shaqada. Qiimaha guryaha la kireysto ee Helsinki ku yaal waxaa saamey ku leh cabbirka guriga, meesha uu ku yaal iyo xaaladdiisa. Meelaha ka baxsan bartamaha magaalada Helsinki qiimaha kiradu waa jaban yahay. Inta badan guryaha ka kooban labo qol iyo jiko ee Helsinki ku yaal waa qiyaastii 800-1100 yuuro bishiiba, sidoo kale inta badan guryaha ka kooban saddex qol iyo jiko waa qiyaastii 1000-1500 yuuro bishiiba. Kirada guryaha qalabaysan intaas waa ka yara qiimo badan yihiin. Kirada ka sokow, qofka guriga deggan waa in uu bixiyaa biilka korontada, lacagta biyaha, caymiska guriga iyo Internet laga yaabo in uu ku jiro. Waxaa kale oo ay tahay in la bixiyo dibaajiga kirada, taas oo inta badan ah mid u dhiganta 1-3 bil kiradood. Waxaa la soo celinayaa marka guriga laga guuro.

Faahfaahinta dheeraadka ah ee ku saabsan sida guriga la kireysto loo raadiyo, heshiiska kirada iyo dukumentiyada ka sii akhri bogga InfoFinland: Guri kiro iyo Heshiiska kirada.

Guryaha la kireysto ee gaarka loo leeyahay ee Helsinki ku yaal

Guryaha yaryar waa nooca si badan laga raadiyo Helsinki. Waxaa wanaagsan in guriga laga codsado deegaan ballaaran. Markaas waxaad heysataa fursad weyn oo aad guri ku heli karto. Shirkadaha Sato iyo VVO &amp, Lumo waxaa celcelis ahaan guryaha looga helaa jadwal ka degdeg badan kuwa kale. Waxaa wanaagsan in isku wakhti meelo badan laga codsado guriga. Macluumaadka ku saabsan guryaha la kireysto ee Helsinki ku yaal waxaad ka raadsan kartaa adeegyo-shabakadeedyo kala duduwan.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaOikotie.fi

Kiro codsiga guriga

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaVuokraovi.com

Kiro codsiga guriga

Guryaha la kireysto ee magaalada Helsinki

Guryaha la kireysto ee magaalada Helsinki (guryaha ARA) waa ka jaban yihiin qiimo ahaan kuwa gaarka loo leeyahay. Intaas waxaa dheer, uma baahnid in dibaaji aad ka bixiyo. Guryaha la kireysto ee magaalada waxaa kala gudbiya adeegga raadinta guryaha kirada ah (vuokra-asunnon haku). Guryaha la kireysto ee magaalada Helsinki waxaad ku codsan kartaa qaab elegtroonig ah ama rugta talabixinta raadinta guryaha kirada ah oo aad booqato:

  1. Buuxi codsiga guriga ee elegtroonigga ah e adigoo isticmaalaya adeegga guri raadinta. Samaynta codsiga elegtroonigga ah waxaad ugu baahantahay aqoonsiyada bangiga ama xaqiijinta mobaylka.
  2. Haddii aadan awoodin in aad qaab elegtroonig ah isu caddayso, waxaad sidoo kale codsiga guriga samayn kartaa adigoo taga rugta talabixinta raadinta guriyaha kirada ah. Horay u sii qaado kaarka aqoonsiga ama baasaboorka shaqaynaya. Waxaad sidoo kale u baahantahay iimayl kuu gaar ah oo loogu talaggalay aqoonsashada iyo isdiiwaangelinta.

vuokra-asunnon haku
Työpajankatu 8
Tel. (09) 310 13030

Codsigu wuxuu markiiba shaqaynayaa saddex bilood. Hadda codsiga guriga kirada ah ee Ara uu dhaco, waa in aad cosi cusub samaysaa.

Si aad u codsato guryaha la kireysto ee magaalada, waa in aad heysataa sharciga deganaanshaha dalka oo shaqeynaya ugu yaraan sannad. Guryaha magaalada dad badan ayaa codsada. Guryaha la kireysto ee magaalada Helsinki waxaad warkooda ku soo weydiin kartaa iimaylka asunnonhaku(at)hel.fi ama Chatka guryaha Talabixiyaha degitaanka.

Degista ardayga iyo da’yarka

Haddii aad si rasmi ah wax u barato, waxaad guryaha la kireysto ka codsan kartaa HOAS. Waxaad sidoo kale machadka aad dhigato weydiin kartaa guryaha la kireysto ama waxaad weydiin kartaa adeegga raadinta guryaha kirada ah ee magaalada Helsinki.

HOAS (Helsingin seudun Opiskelija-asuntosäätiö)

Tel. (09) 549 900

Iimaylka asumispalvelut(at)hoas.fi ku soo weydii macluumaad ku saabsan guryaha la kireysto ee ardayda

Faahfaahinta dheeraadka ah ee degista ardayga ka sii akhri bogga InfoFinland Degista ardayda.

Guryaha la kireysto oo qiimo macquul ah ee loogu talagalay dhallinyarada waxaad weydiin kartaa Ururka guryaha dhallinyarada ama rugta talabixinta ee Mu’asasada dhallinyarada. Waxaa laga yaabaa in ay qasab kugu noqoto in aad sugto guriga la kireysto. Guryaha la kireysto ee dhallinyarada loogu talagalay waxaa sidoo kale la weydiin karaa ururo iyo mu’asasooyin kala duduwan.

Guri iibsasho

Guryaha Helsinki ku yaal tiro waxyar ka badan 40% ayaa ah guryaha la leeyahay. Marka wakhti dheer laga eego degitaanka guryaha la leeyahay ayaa qiimo ahaan jaban. Macluumaadka ku saabsan raadinta guriga, deynta guryaha, ganacsiga guryaha, mas’uuliyadda iibiyaha iyo gataha guryaha waxaad ka heleysaa bogga InfoFinland Guri iibsasho.

Xagaagi sannadka 2019 guryaha ugu qaalisan ee Helsinki ku yaal waxay joogeen 7300 yuuro halkii mitir oo labajibbaaran. Guryaha ugu jabanna waxay joogeen celcelis ahaan 3000 yuuro halkii mitir oo labajibbaaran. Qiimaha guryaha ee Helsinki waxay celcelis ahaan sannadki kor u kacaan 2,4%. Khariidadda ku jirta bogagga magaalada Helsinki ayaad ka fiirin kartaa qiimaha ay celcelis ahaan joogaan guryaha, taas oo soonaha waafaqsan. Soonaha ugu qaalisan waa soonaha 1 ee bartamaha magaalada oo cagaarka lagu calaamadeeyay.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaHelsingin kaupunki

Qiimaha guryaha saamiyada ee duqda ah

Guryaha beeca ah waxaad ka heleysaa bogagga raadinta guryaha ee Internetka.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaEtuovi.com

Codsiga guriga milkida

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaOikotie.fi

Codsiga guriga milkida

Haddii aad doonayso in guri aad leedahay aad ka dhisato Helsinki, waa in aad u heshaa marka hore boos aad ka dhisato iyo ruqsad. Bogagga magaalada Helsinki ayaad ka heleysaa macluumaadka rasmiga ah ee ku saabsan dhisashada guri aad leedahay.

Guriga xuquuqda daganaanshaha la leeyahay ee Helsinki ku yaal

Waa maxay guriga xuquuqda daganaanshaha la leeyahay? Sidee loo codsan karaa guriga xuquuqda daganaanshaha la leeyahay? Faahfaahin dheeraad ah ka sii akhri bogga InfoFinland Deganaanshaha Finland.

Macluumaadka ku saabsan guryaha xuquuqdooda daganaanshaha la leeyahay ee Helsinki ku yaal waxaad ka heleysaa bogagga magaalada Helsinki, tusaale ahaan

  • sida loo codsado xuquuqda deganaanshaha
  • waa maxay lambarka nidaamku oo sidees loo codsadaa
  • Shirkadaha iyo ururada iska leh guryaha xuquuqda deganaanshaha.

Macluumaadka waxqabadka ee ku saabsan degista

InfoFinlandin sivuilta Bogagga InfoFinland waxaad ka heleysaa macluumaadyo badan oo waxqabad ah oo degitaanka la xiriira, sida:

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sharciyada iyo xuquuqda la xirira degitaanka ka sii akhri bogga InfoFinland Xuquuqda iyo waajibaadka deganaha.

Qashinka iyo dib u isticmaalka

Qashinka u kala sooc si waafaqsan tilmaamaha, markaas qashinka dib ayaa loo isticmaali karaa. Qashinka iskudarka ah waxaa Helsinki la geeyaa Hay’adda tamarta. Macluumaad dheeraad ah ku saabsan kala soocidda qashinka waxaad ka heleysaa bogga InfoFinland Qashinka iyo dib u isticmaalka. Qashinka guryaha sida qalabka guryaha, qalabka korontada ama qashinka dayactirka ka dhasha waa in la geeyaa xarunta Sorrti.

Macluumaad ku saabsan kala soocidda qashinka iyo goobaha dib u isticmaalidda ee Helsinki waxaad ka heleysaa bogga HSY:n (Helsingin seudun ympäristöpalvelut).

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaHelsingin seudun ympäristöpalvelut

Qashinka iyo dib u isticmaalidda

Dhibaatooyinka degitaanka

Dhibaatooyinka degitaanka la xiriira waxaad kala xiriiri kartaa adeegga sooshalka ee magaalada Helsinki.

Haddii aad deganaan karin gurigaada, kaasina sababteedu yahay in xubin qoyskaada ka tirsan dagaal kugu soo qaadey ama ku hanjabay, waxaad la xiriiri kartaa guryaha ammaanka. Faahfaahinta guryaha ammaanka ee Helsinki ku yaal ka sii akhri bogga InfoFinland Qoyska Helsinki jooga.

Guri la’aanta

Haddii aad Helsinki ku noqoto guri ’aan, la xiriir goobta adeegga shaqada sooshalka ee kuugu dhow. Sooshalladda ayaa kaa caawin karta in aad guri hesho.

Xarunta adeegga ee dadka guryo la’aanta ah oo ku taalla wadada Hietaniemenkatu waxaa ay furan tahay maalin walba afar iyo labaatanka saacadood. Haddii aad uga baahato halkaas habeen joog waad ku tagi kartaa. Xaruntaas degaanku waxaa ay habeenkii boos siisaa, dadka dhibaatada maandooriyaha ama mukhaadaraadku heysato ee reer Helsinki, waa haddii aanay heysan meel kale oo ay habeenkaa aadaan.

Hietaniemenkadun palvelukeskus
Hietaniemenkatu 5 B
Tel. (09) 310 466 28

Ururka Vailla vakinaista asuntoa ry waxay leeyihiin xarun habeenkii shaqaysa oo la yidhaahdo Kalkkers. Waxad goobtaas ka heli kartaa hoy diirran wakhtiga dayrta ilaa wakhtiga gu’ga. Kalkkers waxay furantahay 22.00-6.00. Xaruntu ma laha meelo la seexdo mana aha meel ka faaruq ah balwadaha kala duwan. Xaruntaas laguguma waydiinayo in aad sharci leedahay. Xaruntu waxay ku taallaa Helsinki ciwaankeeduna waxa weeyaan Ratamestarinkatu 6, Itä-Pasila tilifoonkeeduna waa 050 443 1068. IImaylku waa kalkkers(at)vvary.fi. Isla cinwaankan waxaa ku shaqeeya khuburada arrimaha waddan u soo guuridda:

  • Isniin-Khamiis: finnish, ingiriis, bulgaariya. Tel. 044 260 3818
  • Jimco: finnish iyo ruush. Tel. 050 407 9703

Faahfaahin dheeraad ah ka sii akhriso qeybta: Guri la’aanta.