U gudub macluumaadka ku jira
Päihdeongelmat

Dhibaatooyinka mukhaadaraadka

Waa la daabacay23.08.2022
Ma jirtaa dhibaato aad adiga ama ehelkaadu ku qabtaa khamriga ama mukhaadaraadka. Boggan waxaad ka heleysaa macluumaad ku saabsan, meesha aad gudaha Finland caawimaad uga heleyso dhibaatooyinkan.

Xarunta caafimaadka

Waxaad la xiriir kartaa rugta caafimaadka (terveysasema) ee kuugu dhow, haddii aad qabto dhibaatooyin la xiriira aalkolada iyo maandooriyaha.

A- Kiliinig

A-kiliinig ayaad caawimaad uga heli kartaa dhibaatooyinka mukhaadaraadka iyo dhibaatooyinka kale ee la xiriira waxyaabaha la qabatimo. A-kiliinikooyinku waxay bixiyaa tusaale ahaan adeegayda bolikiliinikada, daryeelka beddelka ah iyo daryeelka xaraarada. A-kiliinkooyinku waxay Finland uga yaalaan dhinacyo badan. Daryeelka A-kiliinikada waa mid lagu kalsoonaan karo.  

Soo codso A-kiliiniko adigoo soo maraya adeegyada mukhaadaraadka ee degmadaada.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaA-klinikkasäätiö

Ku caawinta qabatinka mukhaadaraadka

Adeegga shabakadda ee Päihdelinkki

Adeegga shabakadda Päihdelinkki ee A-kiliinig waxaad ka heleysaa macluumaad ku saabsan isticmaalka maandooriyaha iyo qabatimista. Adeegyada Päihdelinkki qaarkood waxaa sidoo kale lagu helaa afka Iswidhishka, Ingiriiska iyo Ruushka.

Aalkoliistayaasha aan magacooda la aqoon

Aalkoliistayaasha aan magacooda la aqoon (Anonyymit Alkoholistit) AA, waa urur saaxiib oo ragga iyo dumarka ah, waxeyna halkaas ku wadaagaan waayo-aragnimadooda aalkoliistanimada waxeyna isku dayaan in ay iska caawiyaan sidi ay u bogsoon lahaayeen. Degmooyin badan waxaa ka shaqeeya kooxaha AA, magaalooyinka waaweynna waxaa xittaa laga helaa kooxo ku hadla afka ingiriiska.

Al-Anon wuxuu taageero siiyaa ehelka dadka aalkoliistayaasha ah. Kooxda afka Ingiriiska ku hadasha ee Al-Anon waxey isugu yimaadaan Helsinki.

Daroogiistayaasha magac la’aanta ah

Daroogiistayaasha magac la’aanta ah (Nimettömät narkomaanit) NA waxey bixiyaan taageero iyo macluumaadyo iyo weliba kulamo kooxeedyo. Macluumaadka kulamada waxaad bogagga internetka uga raadsan kartaa af Finnish, Ingiriis iyo Iswidhish.