U gudub macluumaadka ku jira
Perhe-elämän ja työn tasapaino

Dheelitirka nolosha qoyska iyo shaqada

Waa la daabacay30.05.2022
Isku habbooneynsiinta nolosha qoyska iyo shaqadu waa kuwo Finland ku fudud marka loo barbardhigo wadamo badan oo kale. Shaqo-bixiyayaashu waxay u hoggaansamaan sharciyada wakhtiga shaqada iyo fasaxyada sannadka. Sababtaas ayaa ka dhigaysa wakhtiga shaqada mid aan xaddidnayn oo caqligal ah. Tani waxay ku siinaysaa fursado badan oo aad qoyskaada wakhti kula qaadato.

Qoyska badan oo Finland jooga ayeey labadooda waalid shaqeeyaan. Haddii uu qoyskaadu leedahay carruur yaryar, waxaad inta badan fursad u heleysaa in aad hesho firaaqo aad iyaga ku xannaaneyso. Waxaa kale oo intaas dheer in barbaarin-horaadyada guud iyo kuwa gaarka ahba ay yihiin kuwo heer sare ah islamarkaasna raqiis ah. Kelada ayaad kaalmo dhaqaale ka codsan kartaa haddii cunugga guriga ku hayso ama aad cunugga u qorto shaqaale haaya.

Tayada barbaarin-horaadka guud waa mid wanaagsan, sababtoo ah cunuggaada waxaa xannaano-maalmeedyada iyo dugsiyadaba ku daryeela shaqaale aad loo tababaray oo xirfadlayaal ah. Macallimiinta iyo xannaaneeyayaashuba waxay cunuggaada taageerayaan horumarka cunugga iyo barashada luqada Finnishka ama Iswiidhishka. Waxaa kale oo magaalooyinka waaweyn intooda badan laga helaa tusaale ahaan xannaano-maalmeedyo iyo iskuulaad ku baxa luqada Ingiriiska.

Ka aqri warar dheeraad ah oo ku saabsan qabanqaabinta xannaanada carruurta ee Finland bogagga InfoFinland Kaalmada dhaqaale ee qoyska iyo Barbaarin-horaadka .

Finland, inta badan dumarku waa shaqeeyaan, haddii xittaa ay carruur yaryar heystaan. Haddii aad haween tahay ninkaada ama waalidka ugama baahnin in ay kuu oggolaadaan aadista shaqada ama waxbarashada.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xuquuqda dumarka iyo ragga ee Finland waxaad ka heleysaa bogga InfoFinland Sinnaanta iyo isku qiimo ahaanshaha.

Haddii aad muddo dheer ka maqneyd nolosha shaqada ama aad carruurtaada guriga ku xannaaneynaysay, shardiga ku xiran billaabista shaqadu wuxuu u muuqan karaa mid adag. Finland marka aad joogto uma baahnid, in aad kaligaa arrintaas ka fekerto ee waxaad raadinta shaqada caawimaad uga heli kartaa talo bixiyayaasha degmadaada ama adeegyada Xafiiska shaqada. Waxaad qolooyinkaas kala fekeri kartaa fursadaha aad waxbarasho dheeraad ah ku heli karto ama aad xirfad cusub ku baran karto, aad ku raadsan karto kooraska luqada Finnishka ama Iswiidhishka oo kugu habboon ama aad ku qoran karto codsiga shaqada ama CV ama qofka ka warranka. Haddii aad doonayso in aad xirfad cusub barato, waxaad xaq u yeelan kartaa kaalmada waxbarashada.

Macluumaadka adeegyada talobixinta waxaad ka heleysaa bogagga ay magaaladaadu ku leedahay InfoFinland Magaalooyin kaalmada waxbarashada waxaad ka heleysaa bogga Maalgelinta waxbarashooyinka.

Tilmaamaha shaqo helista waxaad ka heleysaa bogga InfoFinland Shaqo ka helista Finland .

Tilmaamaha waxbarashada waxaad ka heleysaa bogga InfoFinland Dalbashada waxbarashada.

Tilmaamaha waxbarashada afka Finnishka ama Iswiidhishka waxaad ka heleysaa bogga Luqada Finnishka iyo Iswidishka.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaTyö- ja elinkeinoministeriö

Boosaska shaqo ee bannaan

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaSosiaali- ja terveysministeriö

Dheelitirka nolosha qoyska iyo shaqada